[DEG DEG]:- Buubaa Oo Bilaabay Qorshe Uu Maayar Soltelco Xilka Kaga Tuurayo + Xildhibaanadii Ugu Badnaa Oo Mooshin Xilka Qaadis Ah Saxeexay [Akhri Liiska Xubnaha Saxeexay Iyo Doorka Cagawayne]

0

DEG DEG:- Buubaa Oo Bilaabay Qorshe Uu Maayar Soltelco Xilka Kaga Tuurayo + Xildhibaanadii Ugu Badnaa Oo Mooshin Xilka Qaadis Ah Saxeexay Akhri Liiska Xubnaha Saxeexay Iyo Doorka Cagawayne

Hargeysa (Karin-News):- Xildhibaanada aqlabiyada golaha deegaanka Hargeysa ayaa saxeexay mooshin xilka qaadis ah oo ku socda Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Soltelco kaasi oo salka ku haya arimo siyaasadeed.

 

Shabakada Karin wararkii hore waxa ay ku baahisay Maayar ku xigeenka oo shir iskugu keenay xubno uu ku sheegay Beel-weynta Garxajis waxaana uu sheegay in uu la shaqaynayo xisbiga Waddani isla shirkaasi waxa lagu nashqadeeyey sidii Maayarka caasimadu uu u noqon lahaa XIldhibaan ka tirsan xisbiga Waddani kan iminka joogana meesha looga saari lahaa.

 

Qorshe aan lagu raagin oo ku fadhiya tixraac iyo jalaafo siyaasadeed ayuu keenay Siyaasi Ismaaciil Buubaa waxaana isla markiiba layskugu yeedhay inta ugu badan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa iyaga oo saxeexay mooshinkaasi ka dib markii ay heleen lacago tiro badan oo Maayar ku xigeenku qaybinayey.

 

Iminka Waxa Wasiirka Arimaha Gudaha gaadhay warqad lagu dalbanayo kal-fadhi wakhtigiisii dhaafay oo ay iskugu imanayaan golaha deegaanka Hargeysa kaasi oo la doonayo in Maayarka xilka lagaga qaado.

 

Arintan ayaa ah nashqad uu ka shaqeeyey Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Cagawayne oo si rasmi ah ula soo baxay shaadhkii Waddani ee uu mudada qarsanayey.

 

Arabsiyonews.com
Abdillaahi ahmed awmuuse