Aan ku bilaabee marka degmadan arabsiyo waa degmo udhow caasimada wadanka ee maroodijeex dhanka bariga markaad jaleecdo.waxay masaafo 37km ah ujirtaa hargaysa.dhanka galbeed waxa ka xiga waa gobolka gabiley.una jira masaafo 15km ah.arabsiyo waxay ku hurumartay dhanka beeraha.dadbadan oo aroosa ayaa usoo todoba baxa waliba lamaanaha isjecel waxayna kasoo ambabaxaan iyagoo mabsuuda oo faraxsan.
Arabsiyo waxay uqaybsantaa laba qaybood waxaana kala qaybiya dooxa wayn oo kala dhexmara.
Arabsiyo waxa astaan u ah liin macaanta taas oo aad iyo aad uga baxda magaalada.
Waxa kale oo arabsiyo ku hurumartay beerashada salaadka,kamsarta,koostada,basasha,tamaada.iw.m.arabsiyo waa meel ku hodana dhanka beeraha iyo dalxiiska,ishii maalin aragtaana kama xxiso go,yso waxay jeclaysataa inay marwalbo kusoo noqoto,maxaa yeelay meelkasta oo beero qurxoon leh dhirtuna ay cagaarantay naftu waxay jeclaysanaysaa inay usoo dalxiisto.Arabsiyo waa meel istiraatajiya dhanka wadada oo waxaa marta laami Somaliland meelkastood ka joogto waad iminkartaa waliba si fudud iyo safar raaxo leh waxa kaloo ay leedahay meelo qadiimiya oo ay dagi jireen dadkii hore ama arhaam kana tirsan degmada arabsiyo sida dhagaxkuure,ceel giniiseed,waraabaley.
Lasoco si taxanaha degmada dalxiiska iyo beeraha
Qore:cabdilllaahi ahmed awmuuse









