Hargaysa (Karin) Wasiirka waxbarashadda somaliland oo ku sugan magaaladda berbera ayaa ka qayb galay munaasibad dhaqaale loogu ururinaayay dadka abaaraha bariga ka jira ku habsadeen waxaana uu sheegay in ardayda iskuuladda iyo jaamacadahaba lacag la qaadi doono
Wasiirka waxbarashadda somaliland oo berbera ku sugan ayaa shaaciyay in ardayda iskuuladu bixin doonaan 10 kun oo shilinka somaliland ah halka ardayda jaamacadahana laga qaadi doono 20 kun oo shilinka somaliland ah wuxuuna shaaca ka qaaday in maamulaadka iskuulada iyo kuwa jaamacadahaba la xisaabtami doonaan
Sidoo Kale Wasiirka ayaa shacabka kala duwan ee somaliland ugu baaqay inay walaalahooda tabaalaysan ee baahida gaajada iyo haraadku soo ritay ay u diir naxaan isla markaana lacagaha ku jira goobahooda shaqadda iyo kuwa shaqeeyaba ay u hureen wuxuuna cadeeyay inay naftaada uun ka tegayso isla naftaadana lacagtaasu i tegayso
Arabsiyonews.com
Abdillaahi Ahmed Awmuuse









