Dhakhaatiir ka sacota jaamacada camuud ee Boorama oo hawlo Caafimaad ka fuliyey Degmada Arabsiyo+Sawiro

0

Arabsiyo(Arabsiyonews.com):-Dhakhaatiir  ka sacota jaamacada  camuud oo hawlo Mutadawacnimo ka fuliyey MCH Degmada Arabsiyo,dhakhaatiirtan ayaa saaka arooryadii hore soo gaadhay magaalada Arabsiyo gaar ahaan xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka (MCH) halkaas ayaa ay kabilaabeen hawlo caafimaad oo bilaa lacag

waxaana  warbixin kooban Shabakada Arabsiyonews.com siisay  madaxa ugu sareeya mch degmada arabsiyo khadra maxamuud geele iyo dhakhaatiir kale ee joogta isla mch degmada arabsiyo waxay nooga war bixiyeen in loo baahnaa hawlahaa caafimaadka ee maanta ay ka qabanayaan dhakhaatiirtaa ka socota jaamacada camuud.

Waxa halkaa isna xusid mudan gudoomiyaha degmada arabsiyo cabdilaahi cabdi faarax oo soo ag istaagay dhakhaatiirtaa ka socotay jaamacada camuud una sheegay inay dadkani yihiin dadkoodii ajar iyo abaalmarin if iyo aakhirana ka heli doonaan kuna dhiiri galiyey shaqadoodaa iyo cilmigaa ay barteen uguna duceeyey inuu ilaahay ku anfaco.guntii iyo gabagabadii waxaa hawshii si fiican uqabtay oo bilaa hagrasho ah dhakhaatiirtaa ka socotay jaamacada camuud waxaanay halkaa ku daweeyee dadbadan oo ka cabanaya ilkaha

Ilkaha oo noqday xanuunada ugu cabashada badan mudooyinkan danbe miyi iyo magaalaba.

Waxa aad uga faa,idaystay dadkii daganaa degmada arabsiyo ee ilka xanuunku daashaday ama meelba tagi karayn ee liitay,waxa iyagana aad ugu farxay dhakhaatiirtii hawsha waday sida fiican ee looga faa,idaystay maahana markii koowaad waanu soonoqon doonaa intii aanu wax idiin qaban karno.

 

  

Arabsiyo Office

Arabsiyonews@gmail.com

Saxafi cabdilaahi ahmed awmuuse