Hargeysa(AN):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa fasiraad ka bixiyey sababta ay Xukuumad ahaan ugu diideen Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan Safar uu toddobaadkii hore shaaciyey inuu ugu baxayo magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo uu ka jeedin doono Muxaadirooyin la xidhiidha qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland oo haba-yaraatee uu sheegay inaanay inta badan Shacabka Soomaaliyeed iyo
Aqoonyahanka qaarkood xog fiican ka haysan

Wasiir Sacad waxa kale oo uu ka hadlay illaa Labaataneeyo Hablood oo Dhalinyar da’doodu u dhaxayso 15 illaa 20-jir oo waddamada Qurbaha qaarkood looga keenay Dhaqan-celis ahaan iyo in Diinta Islaamka la baro oo Hargeysa toddobaadkii hore laga dhoofiyey, ka dib markii ay Boolisku xidh-xidheen, isla markaana u gacan-geliyeen Saraakiil Ajaanib ah oo ka kala socday dalalka ay qaarkood ku dhasheen, kuwo kalena Baasaabboorkooda haystaan oo uu Ingiriisku ka mid yahay, kuwaas oo kaxayntooda ay cabasho ka muujiyeen Waalidiinta Qoysaska dhalay iyo kuwa ehelkooda.
Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, waxa uu sheegay in Hablahaas oo ahaa Gabdho muddakar ah aan cidi qasbin, Somalilandna dalka ka saarin, balse markii ay iyaga qaar ka tirsani Dacwado u gudbiyeen Dawladaha ay dhalashadooda haystaan ee Masuuliyiin iyo Saraakiil ka socdaa Hargeysa yimaaddeen, Hablaha Baadhitaanno Caafimaad Maskax ahaan iyo Jidh-ahaanba lagu sameeyey, ka dibna mid kasta la weydiiyey midka ay doonayso ee ay raalli ku tahay in ay halkan Somaliland sii joogto iyo in ay dalalkii laga keenay ay ku noqonayaan, ka dibna go’aansadeen inay noqonayaan marka laga reebo laba Gabdhood oo sheegay inay Hargeysa Waalidkood la sii joogayaan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Wasiir Sacad oo ka hadlayey sababta ay Dr. Bulxan Xukuumaddu ugu diidday safarka uu shaaciyey in uu ku tegi lahaa Muqdisho; si uu Bulshada Caasimadda Soomaaliya ku dhaqan in badan oo ka tirsan u fahansiiyo Qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, waxay ku timi, halkay doonayso inay gaadho iyo inay gacan-ka-geystaanba, ayaa sheegay in arrinta qaddiyaddu tahay Masuuliyad ay leedahay Xukuumaddu oo u gaar ah, isla markaana ay ka wadahadli karaan keliya laba dawladood oo Soomaaliya iyo Somaliland ah, balse Aqoonyahanku aanay safrin karin arrintaas, haddii aanay dawladuhu u wakiilan.
Haddaba, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo labadaas qodob ee Gabdhaha dalka laga dhoofiyey ee Waalidkood cabashada muujiyeen iyo baajinta Dr. Bulxan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warbixinta Warkiisa iyo Hadalkiisa-ba, Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
arabsiyonews.com
abdillaahi ahmed awmuse









