ARABSIYO (AN) :- waxa maanta qalab soo gaadhsiiyay xafiiska degmada arabsiyo ee xibiga wadani gudi ka socotay beesha Habar awal ee xisbigaasi
qalabkan oo ahaa alaab loogu talo galay in lagu qalabeeyo xafiiska degmadaasi ayaa waxaa gudoomay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo taageerayal madashaasi joogay
hadaba waxa madashan hadalo mahadnaq ah ka jeediyay gudoomiyaha iyo gudoomiya ku xigeenka xisbiga wadani ee degmada arabsiyo iyaga oo ku hadlayay afka taageerayasha degmada arabsiyo ee xisbiga wadani waxaana hadaladoodii ka mid ahaa
” Anigoo ah gudoomiyaha degmada arabsiyo ee xisbiga wadani maxamuud ahmed awjaamac iyo gudoomiye ku xigeenka maxamed nuux xuseen Marka hore waxaanu mahadnaq balaadhan usoo jeedinaynaa gudiga beesha habar awal ee qalabka ukeentay xafiiska degmada arabsiyo uu ku leeyahay xisbiga wadani kuwaasi oo hiil iyo hooba LA garab taagan xafiiska degmada arabsiyo ee xibiga wadani anagoo ah gudoomiyaha dagmada iyo kuxigeenka iyo dhamaanba taageerayaasha xisbuguna waanu u mahadnaqaynaa
waxaa isna mahad balaadhan naga mudan gudoomiyaha xisbiga wadani ahna musharaxa madaxweynaha ee xisbiga iyo musharaxa madax wayne ku xigeenka xisbiga wadani anagoo mar waliba la garab taagan taageero buuxda oo degmada arabsiyo iy shacabkeeduba ay u hayaan ”

arabiyonews.com
abdilaahi ahmed awmuse









