arabsiyo (AN) :- waxa munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalinta miisaanka wayn ee isra,a wal micraaj ka dhacday degmada arabsiyo
munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay CARAFO hotel
munaasibada oo ay goob joogayaal ka ahaayeen madaxda degmada culumaa,udiinta waawayn ee degmada arabsiyo iyo waliba dhalinyaro aad u tiro badan oo dhamaantood wajiyadooda ay ka muuqatay qushuucda iyo farxada ay ku waynaynayaan maalintan
waxa iyaguna goobta aan ka maqnayn aqoonyahanka degmada arabsiyo iyo waliba abwaano si qiiro leh uga hadlay munaasibadan ilyartu is qabatay ee lagu waynaynayay maalinti la dheelmiyay xabiibkeeni muxamed ahaa ee la inagu faral yeelay shanta salaadood
si kastaba ha ahaatee arabsiyo ayaa waxay caan ku tahay in ay waynayso maalmaha diiniga ah oo ay safka hore kaga jirtaa xusida maalmahan oo kale
waxa ay sanad waliba xustaa maalintan iyo maalmo kale oo qiimo leh oo uu ka mid yahay mawliidka rasuulkeenii muxamed NNKH
ARABSIYONEWS.COM
suxufi abdillaahi ahmed aw-muse









