axadnimada saaka oo dalka faransiska looga dareeray doorashada madaxweynaha dalkaasi

0

arabsiyonews (paris) :– Dalka Faransiiska ayaa isu diyaarinaaya doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo maanta

oo Axad loo dareeray goobaha cod bixinta, xilli ammaanka si aad ah loo adkeeyay, kaddib weerar khamiistii ka dhacay Paris oo lagu dilay askari Boolis ah.

Ciidan tiradooda lagu qiyaasay Illaa 50-kun oo boolis ah iyo illaa 7,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa la geeyay dhamaan magaalooyinka dalkaas, si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha doorashada ka dhaceyso.

 

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya 11 Musharax kuwaas oo raba in mid ka mid ahi uu noqdo Madaxweynaha soo socda ee dalkaas, iyadoo la filayo labada musharax ee ugu codka badan ay u gudbaan wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta bisha May.

 

Waxaana Musharaxiinta qaar ayaa yeesheen doodo kulul oo ka baxeysay Telefishinada, waxaana xisbiyada u tartamaya xilka Madaxtinimada ay isku dhaafsadeen hadalo kulul.

Afarta Musharax ee ugu cad cad ayaa waxay kala yihiin Francois Fillon, Marine Le Pen, Emmanuel Macron iyo Jean-Lug Melenchon.

Dhinca kale waxaa xusid muddan in madaxweynaha xilka haya Francois Hollande oo xilkan loo doortay sanadkii 2013 aanu isagu gabi ahaanba u  tartami doonin xilkaas

 

 

 

arabsiyonews.com

abdillaahi ahmed aw-muse