Af-hayeen u hadlay Pentagon-ka, John Thomas, ayaa sheegay in Cabduraxmaan al-Uzbeki la dilay lixdii bishan Abriil laakiin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah muu bixin.
Waxa se uu sheegay in Al-Uzbeki uu ku lug lahaa qorshaynta weerarkii lagu qaaday xarun caways oo ku taal Istanbul horraantii sannadkan oo lagu dilay ugu yaraan sagaal qof.
Weriye ka tirsan(Arabsiyonews)ayaa sheegaya in, in kasta oo ay shan boqol oo ciidamo gaar oo Maraykan ahi joogaan gudaha Suuriya, ay hadana dhif tahay in ay hawl gallo ka fuliyaan, muhiimaddooda koobaad na ay tahay uun in ay talo ciidan siiyaan kooxaha dalkaas ee dagaalka kula jira kooxda la baxday Dawladda Islaamka.
Arabsiyonews.com
Suxufi:Cabdilaahi ahmed awmuuse








