Ceel-waaq (Arabsiyonews) sida aan wararka ku heleyno Duqeyntii xalay Diyaaradaha Ciidamada Kenya ay ka fuliyeen Deegaano ka mid ah Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa geesatay khasaaro kala duwan.
Khasaaraha ugu badan ee Duqeynta ayaa waxaa ay soo gaartay dad rayid ah oo u badnaa reer guuraa iyaga iyo xoolahooda ay gantaalo haleeleen.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in Duqeynta ay ku naf waayeen 2 ruux oo shacab ah tiro intaa kabadana ay dhaawacmeen.
sidoo kale waxaa ay gantaalaha ka soo dhacay diyaaradaha kenya ay laayeen xoolo badan oo ay dhaqanayeen Dad reer guuraa ah oo ku nool deegaanada Daaru-salaam iyo Gariley.
Arabsiyonews.com
Muqdisho/office









