Deg deg Tiro gaadhaysa Toban ruux oo shuban biyood ugu geeriyooday Buuhoodle iyo Wasiirkii Caafimaadka oo la baafinayo

0

Deegaanka Buuhoodle waxa isoo taraya tirade dadka uu soo ridanayo xanuunka shuban biyoodka oo dhowaan ka dilaacay deegaankaasi, kaas oo marba marka ka dambaysa sii kordhaya, waxaana xanuunkaasi uu soo riday  maalmihii  u dambeeyey dad tiro badan oo gaadhay , kuwaas oo daweyntooda lagula tacaalayo cisbitaalka magaaladda buuhoodle iyo goobaha kale ee caafimaadka oo aanu ka jirin adeeg caafimaad oo ku filan dadkaasi, waxaana illaa hadda u geeriyooday xanuunkaasi shuban biyoodka dad ka gaadhya 10 qof halka au u jiifaan in ka badan 30 qof welina waxa isoo taraya dadka uusoo ridanayo xanuunkaasi shuban biyoodka.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee ku sugan magaaladda Buuhoodle, ayaa la tacaalaya dadka uu xanuunkani asiibay, waxaanay sheegeen in aanay haysan adeeg caafimaad oo ku filan oo ay ku daweeyaan dadka xanuunka uu soo ritay ee la soo gaadhsiinayo goobaha caafimaadka ee magaaladdaasi, waxaana goobahaasi caafimaadka  ee lagula tacaalayo dadka xanuunku ku dhacay soo waajahay  cidhiidhi, iyada oo ay buuxsameen meelaha la jiifiyo dadka ee sariiraha iyo meeelaha kale oo lagula tacaalayo caafimaadkooda, sida uu sheegay Dr cali xukun oo ka mid ah bahda caafimaadka ee magaaladda Buuhoodle, waxaanuu sheegay in uu sii kordhayo dadka uu xanuunkani soo ritay oo  ay saacadihii u dambeeyey la soo gadhsiiyey dad  gaadhaya 28 qof, waxaanuu ku baaqay in gurmad lala soo gaadho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed  Xaglatoosiye oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ee uu xanuunkan shuban biyoodku ka dilaacay, ayaa  ku sugan yahay magaaladda Hargeysa,waxaana la sheegay in uu xidhan yahay cisbitaal uu ku leeyahay magaaladda Buuhoodle, kaas oo wax badan ka tari lahaa dadkan xanuunku asiibay ee deegaankaasi, taas oo ah shaqada uu uga masuulka yahay dawladda Somaliland in adeeg caafimaad loo fidiyo dadka meelaha ay xanuunadu ka jiraan,  waxaanay taas oo u muuqata in uu wasiir xaglatoosiye ka gaabiyey u gurmashada  deegaanka Buuhoodle ee xanuunka shuban biyoodku ka dilaacay, in kasta oo wararka qaar sheegayaan in uu adeeg caafimaad u diray deegankaasi.