Deg deg halkan ka Akhri liiska Magacyada iyo qabaailka ay kasoo jeedaan Somalidii ku jirtay Qoxootigii Sucuudigu Marin biyoodka Baabal-mandabka Ku duqeeyey

0

Muqdisho- 18.March.2017 (-Arabsiyonews.com-) Dadkii Sucuudigu Marin biyoodka Baabal-mandabka Ku duqeeyey waxay u badnaayeen kuwo Ku dhintay Burco iyo laascanod ,Hargeysa dhawr qof ayaa kaga jira. Magacyada dhallintii ku geeriyootey duqayntii Yemen. Waxaan taczi udirayaa dhalinyaradii uu xaqu uyimi iyagoo ka cararaya dhibka dalka ka jira,

sida: qabyaaladda,dagaalka aan la garanayn ujeedkiisa, eexda iyo shaqo la’aanta, kallifteyna inay maanta si aan cidina uga hadlayn ku geeriyoodaan wadadii ay is lahaayeen wax ku bedela. Fadlan magacyadan faafi.

1:Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 2:Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 3:Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 4:Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho) 5:Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin. 6:Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay. 7:Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho) 8:Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho) 9:Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood. 10:Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaabood. 11:Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood. 12:Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho) 13:Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho) 14:Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac. 15:Ibrahim Ahmed Sacadaale (Dhimasho). Xigasho : Dr Mohmoud Olol Bile

42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay xalay ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka. Isbaheysiga ayaa dhowaanahan duqeymo culus ku waday magaalada Xudeyda, ayaga oo ku eedeeyey mucaaradka shiicada inay hub kasoo geliyaan.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Si kastaba mucaaradka shiicada ayaa weli gacanta ku haya Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen. Illaa iyo iminka dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay qiyaastii toban kun oo shacab ah.