Akhri Magacyada Xildhibaanada Golaha Guurtida ee loo xulay talo kabixinta Mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo

0

Hargaysa(Arabsiyonews):-Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa maalintii shalay ahayd ku dhawaaqay mudo kordhin loo samaynayo xukuumada hada talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo , Golaha wakiilada Iyo Goleyaasha Deegaanka ee dalka ,
Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo kalfadhii shalay ee goalaha guurtida kala hadlay war baahinta ayaa sheegay in ay gudi Cayinta mudada loo kordhinayo Xukuumada  u saareen  islamarkaana laga sugayo in ay mudo laba cisho kaga soot ala bixiyaan Gudigaasi.
Gudoomiye Saleebaan oo sheegay in ay tahay sababta ay ugu sareereen gudiga arintaasi in ay tahay si looga taxadiro cabasho iyo saluug yimaada islamarkaana loo baahan yahay in ay gudigaasi si weyn uga soo baaraan degaan arintaasi.
Xubnaha Gudiga la magacaabay oo ka kooban 21 xubnood oo ka soo kala jeeda Dhamaan Gobolada Somaliland .
Hadaba liiska magacyada gudiga ka soo tala bixinaysa mudo kordhinta oo uu ka reeban yahay gudoomiyaha guurtidu ayaa u dhigan sidan.
1,  Siciid Jaamac Cali Gudoomiye Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Guurtida
2, Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan     Xubin
3, Cawil Cismaan Maxamuud    xubin
4, Axmed Nuur Aw Cali Aadan Xubin
5, Maxamuud Xaashi Goobe  Xubin
6, Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdi waraabe)Xubin
7, Cabdiqaadir Maxamed Xasaan  Xubin
8, Cabdiqaadir Qawdhan Maxamed , Xubin
9,Dayib Xasan Axmed  Xubin
10, Siciid Cabdilaahi Asker  Xubin
11,Xirsi Ciise Jaamac Xubin
12,Cbadicasiis Maxamuud Gaaxnuug Xubin
13Siciid X. Xuseen muuse Xubin
14,Muxumed Axmed Aw Xaashi Xubin
15,muuse xaaji cabdi ducaale  xubin
16,Muuse Aw Ibraahin Xubin
17, Nuur Digaale Khayre Xubin,
18, Cawil Xuseen Axmed Xubin
19,Axmed Aadan Jirde Xubin
20,Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh Xubin
21,Yuusuf CabdilaahiCawaale.