Cidamda Amaanka Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd oo caawa ah xasbiga dhigeen agaasimihii telefishanka Star Tv Maxamed Baashe Xaaji Xassan .
Xadhiga Masuulkan ayaa waxaa uu imanayaa ka dib markii laga qabtey isaga oo ku sugnaa goob xaflad ah oo lagu xusaayey dhagax tuurkii dhalinyarada UFO oo caawa lagu qabtey Hotel Maansoor .
Sidoo kale si rasmi ah uma cada sababta loo xidhay masuulkan balse ilo xog ogaal ah oo soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com waxaa ay sheegayan in masuulkan loo xidhay arimaha Saldhiga Military ee Berbera oo telefishanka Star mudooyinkii ugu danbeeyey si aad ah uga faloonaayey .
Dhinca kale waxaa lanoo xaqiijiyey in agaasimahani uu ka dhego adeegay hanjabaado dhinca xukuumada uga yimid oo ku taxaluuqay in ay joojiyaan wararka ka dhanka ah saldhigan , ilaa iyo hadana lama garaanyo goob uu ku xidhan yahay masuulkan









