AKHRI MAGACYADA IYO XILAALKA MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALIYA MARKII U HOREEYSAY U MAGACABAY

0

Muqdisho (AN) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta xilka kala wareegay ayaa magacaabay xilalkii u horeeyay ee Madaxtooyada Qaranka.

 

Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Madaxa Hab Maamuuska ama Protocol-ka Madaxtooyada.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa loo Dr. Cali Saciid Faqi oo hore u ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub, waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo Siyaad Maxamuud Shire u magacaabay Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad ayaa hore u ahaa Qunsulka Guud ee Jeddah, ka horna Qunsulka Nairobi,  waxaa horay ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaarayaal hore, Siyaad waa nin madaale ah oo shaqo badan.

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ahna Madaxa Xisbiga Daljir.

Mr Xuseen oo heysta Dhalashada Britain ayaa sidoo kale ah sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, waxaa uu horay u soo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore.

 

Madaxweyne walba oo la wareega Madaxtooyada ayay hubanti tahay inuu bedelo Mas’uuliyiintii la shaqeyneysay Madaxweynihii isaga ka horeeyay, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in la magacaabo xilal kala duwan oo ah Agaasinka Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u bilaabatay howshii u horeysay ee Madaxtooyada, isagoo afarta sano laga sugayo waxyaabo badan oo dadka Soomaaliyeed ka rajeynayaan inuu wax ka qabto, waxaana tallaabada u horeysay ee laga sugayo ay tahay inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare.