DUGSIYADA NUURADIIN SCHOOLS OO DIIDEY IN LACAGTA BISHA ARDAYDU KU BIXIYAAN SHILINKA SOMALILAND+SHURUUD ADAG OO UU KU XIDHEY.

0

Maamulka Dugsiyada caanka ah ee Nuuradiin Schools oo qaybo kala duwan oo waxbarasho ku leh Gudaha Magaalada Hargeysa ayaa ka soo hor jeestey amarkii Xukumada Somaliland ee isticmaalka Shilinka Somaliland.

Warar hor leh oo Xafiiska Warqabadka Warbaahinta Hangoolnews ka helaayo qaar ka mid ah waalidiinta Ubadkoodu Wax ka bartaan Dugsiyada Nuuradiin ayaa tibaaxaya in uu maamulka sare ee Nuuradiin diidey qabashada lacagta shilinka ah ee Somaliland,

isaga oo qofkii la yimaada shilinka Somaliland ku xidhaya shuruud aanay awoodayn waalidka Qaarkood kaasi oo ah in halkii Doolar uu u soo xisaabiyo 9000 kun oo shilinka Somaliland ah amaba uu u keeno lacagtii Doolarka ahayd oo halkii ardayba uu ka qaado 25$ doolar inkasta oo ay jiraan dad bixiya lacag ka badan25$ kan kuwaasi oo ah kuwa raaca basaska ee ay xaafadahoodu ka fog yihiin goobta dugsiga ee ay soo qaadaan basaska u diwaan gashan dugsiga.

Maamulka Dugsiga ayaa waxay ku wargaliyeen waalidiinta soo bixiyey lacagta Shilinka in ay 9000 kun ugu soo dhiftaan 1$ halkii doolar.

Iyada oo xisaab ahaan 25$kii Doolar Shilin ahaan ku noqonaayo 225,000 oo shilinaka Somaliland ama ay sidii awal hore ugu keenaan 25$kii doolar ee cadaanka ahaa iyaga Dugsi ahaan dhankooda wixii la doono suuqa haloogu soo sarifee. Sidaasi waxa waalidiinta u sheegay maamulayaasha Dugsiyada Nuuradiin.

Amarkan ay diideen maamulka Nuuradiin Schools oo ah in ardaydu ay ku bixiyaan Lacagta Bisha Shilinka Somaliland ayaa waxa dhawaan isna amarka sii adkeeyey oo Dugsiyada dalka ku amray in ay lacagta Fiiga Dugsiyada ku qaataan Lacagta Somaliland Wasiirka WasaaraddaWaxbarashada Somaliland C/laahi Ibraahim Habane iyada oo ay xusid mudan tahay in Xukumada Somaliland qiimo go’an u goysey sarifka Lacagta Doolarka iyada oo Wareegto lagu soo saaray in halkii Doolar lagu sarifo gacanta dambe 7000 oo shilinka Somaliland cidii halkaasi dhaafisanaa ay mudan doonto in talaabo laga qaadi doono.

Ujeedada laga lahaa in dugsiyadu ay lacagta ardayda kaga qaadaan shilinka Somaliland ayaa ah in kor loo qaado qiimaha lacagta Qaranka oo mudooyinkii ugu dambeeyey hoos u dhac ku yimi taasi oo sababtey in uu dalka ka dhaco sixir barar aad u badan oo uu sababey isticmaalka aadka u badan ee Lacagta Doolar.

Xukumada Somaliland ayaan wali waxba ka qaban meelaha qaarkood oo u hogaansami waayey Sixirka loo jaray Sarifka Lacagta Doolarka,dhanka kale wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaan wali ka war helin in dugsiyadii waxbarasho ee dalku ay diideen in ay qaataan Lacagta Shilinka ah ee dalkooda cidii keentana ay ku xidheen shuruud adag oo ah in qiimo aad u sareeya ay ugu dhuftaan halkii doolar kaasi oo ka hor imanaaya Wareegtadii Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ku dhaqan galiyey in Halkii Doolar lagu Sarifo 7000 Shiling Somaliland ah.