Arabsiyo News–Cabsi iyo wel wel baaxad weyn aya waxaa la sheegay inay soo wajahday Soomaalida ku nool dalka Mareykanka iyadoo sidoo kale ay Soomaali badan oo heysata dhalashada dalka Mareykanka ay ku xayiran yihiin qeybo ka mid ah dalalka aduunka maadaama loo diiday inay dib ugu soo noqdaan dalkaas Mareykanka.
Tan iyo wixii ka dambeeyey Sharcigii cusbaa ee dalka Mareykanka looga mamnuucay ilaa iyo 7 wadan oo Muslimiin ah oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaayo dhibaatooyin is daba joog ah oo soo gaarey Soomaalida ku nool dalka Mareykanka iyo kuwa qorsheynaayey inay u soo safraan dalkaas Mareykanka, Soomaalida ku nool magaalada San Diego ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay ina soo wajahday cabsi baaxad weyn ka dib markii weerar ficil ah iyo afka ah lagu qaaday, Sidoo kale ayaa qaar ka mid ah Soomaalidaas oo heysata dhalasho Mareykan ah ay ku xayiran yihiin wadamo kale
Ugu dambeyntiina iyadoo Sharcigaas cusub ee uu soo saarey madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu noqday mid saameyn weyn ku yeeshay dadka Soomaalida ayaa waxaa kale oo uu sameyn ku yeeshay shirkadaha waa weyn ee dalkaas Mareykanka gaar ahaan Google, Apple, Tesla (Shirkada soo saarta baabuurta ku shaqeysa Korontada) iyo kuwo kale oo dhamaantood ay shaqaale muhiim ah oo ka howlgala shirkadahaas oo ka kala yiimid wadamadaas laga mamnuucay dalka Mareykanka ay ku xayiran yihiin meelo ka mid ah wadamada aduunka maadaama laga hor istaagay inay dib u soo galaan dalkaas Mareykanka.









