Muqdisho {AN}–Waxaa dhaawacyo kala duwani soo gaadheen wariyayaal ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxi Hutel Dayaxa ee gudaha magaalada Muqdisho.
Wariyayaashan saaka dhaawacyada kala duwani ka soo gaadheen qaraxa ayaa ahaa wariyayaal intooda badan u shaqeeya wakaaladaha wararka ee caalamka, waxaaanay dhaawacyadu soo gaadheen iyaga oo ku guda jira gudashada hawlahooda shaqo, iyaga oo wakhtigaa duubayay qaraxa xoogan ee gil-giley Hutelka.
Waxaana wariyayaashan iyo dadkii kale ee dhaawacyadu ka soo gaadheenba loola cararay dhanka cisbitaalka guud ee magaalada Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad












