GUDOOMIYE RAMAAX OO AMARO KU SOO ROGEY HUDHEELADA KU YAALA MAGAALADA BURCO IYO UJEEDADA UU KA LEEYAHAY.

0

Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si cad isu hor-istaagay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga WADDANI uu maanta hotel Kaafi ee magaalada Burco ugu sameynaayey garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID ee gobalka Togdheer oo halkaasi kaga dhawaaqayey in ay ku soo biiraan Xisbigaasi.

Ma jiraan ilaa hada wax warar ah oo faah-faahsan balse sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI ee gobalka Togdheer iyo weliba madaxda kala duwan ee hoggaaminaysay garabkii aqlabiyadda UCID, ayaa cadeeyey in badhasaabka gobalka Togdheer uu gebi ahaan ba warqad uu ku hor istaagayo xafladaha Xisbigaasi gaar ahaan kuwa garabka aqlabiyadda Xisbiga UCID uu u gudbiyey hotelada ku yaalada magaalada Burco, waxaana uu ku amray in aanay hoteeladooda u fasaxi karin in Xisbiga WADDANI, gaar ahaan garabka ku soo biiraaya ee aqlabiyaddii UCID aanay wax xaflado ah ku qabsan karin gobalkaasi.

Dhanka kale, badhasaabka Togdheer Md.Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax), ayaa guud ahaan is-goysyada magaalada Burco dhigay ciidamo tiro badan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, ku waasi oo ilaalinaaya isla markaana hor istaagaya taageerayaasha kala duwan ee saaka iskaga soo kala baxaaya dhammaan xaafadaha magaaladdaasi, si ay cududooda taageero ugu muujiyaan Xisbiga WADDANI.

Ilaa hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu badhasaabka gobalkaasi uu u hor istaagay qabashada xafladahaasi.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in madaxdii gobalka Saaxil oo uu hoggaaminaayo Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda magaalada Berbera ay xalay ilaa shalay halkaas u joogaan siddii awood iyo dhaqaale ba ay iskugu geyn lahaayeen siddii loo joojin lahaa xafladaha loo qabanayo garabkii aqlabiyadda xisbiga UCID inkasta oo aanu saaka ku sugnayn Burco.

badhasaabka oo aanu isku daynay in aanu arinkan wax ka waydiino ayaanay noo suuro galin ka dib markii uu qaban waayey telefankiisa gacanta.