Shacab fara badan oo Mareeykan ah ayaa wali ku qanacsaneeyn doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Mareeykanka Mr.Donald Trump oo xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Barack Obama .
Inta la ogyahay taariikhda dalka Mareeykanka wali ma dhicin Madaxweyne Mareeykan ah oo shacabkiisa naceyb ku bilaabeen ama ku hor banaanbaxeen isaga oo cusub sida Madaxweyne Donald Trump .
Dadka banaan baxa dhigayay ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha cusub.waxaana inta banaan baxyadu socdeen la jabiyay Dukaamo badan, waxaa sidoo kale la gubay gawaari taalay meel u dhaw halkii lagu caleemo saarayay Mr.Donald Trump .









