Muqdisho(Arabsiyonews):-Waxa Hada soo dhamaatay tartankii loogu jirey Hanashada Xilka Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliya oo ay ku tartamayeen 4 musharax oo u taagnaa Dorashada ayaa waxa natiijada codadka ay kala helaan ku dhawaaqay Gudoomiyihii ku meel gaadhka ahaa ee baarlamaanka Somaliya,
Waxaana si rasmi ah ugu guulaystey Xilka Jagada Gudoonka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee baarlamaankii wakhtigoodu dhamaadey,
Codadka la kala helay,.
1-Prof. Max’ed Cismaan Jawaari 141-Cod
2-C/rashiid Max’ed Xidig 97-cod
3-C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geesey) 17-cod
4-Idiris Aadan Dhakhtar 2-cod









