Muqdisho {AN}–Waxaa goordhaw Degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ka dhacday is rasaaseyn u dhaxeysay askar kawada tirsan ciidanka booliiska gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka booliiska ayaa ku dhintay rasaastaasi la is dhaafsaday, waxaana ciidanka booliiska ay qabteen askari la sheegay in uu dilka geestay.
Lama oga wali waxa uu salka ku hayo is rasaaseynta dhax martay ciidankan kawada tirsanaa booliiska, waxaana rasaastaasi oo ka dhacday Isgooska Afar Irdood saameyn ku yeelatay ganacsiga Suuqa Xamar Weyne.
Dilalka ay isku geesanayaan askarta iyo saraakiisha kawada tirsan ciidanka dowlada ayaa sii kordhaya, dhawaan ayeyna aheed markii askari katirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya uu dilay taliye kuxigeenkii ciidanka Ilaalada Villa Soomaaliya.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com









