Hargeysa (Arabsiyo-News):- Musharaxiinta mucaaridka ee Waddani iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa muddo dheer ka dib shalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Hargeysa .
Kulankan oo wax war ahi aanu ka soo bixin ayaa waxaa warar xog ogaal ahi Wargeyska Geeska Africa u sheegeen inay labada musharax kaga wada hadaleen arimo badan oo ay ugu mihiimsantahay doorashada madaxtinimo ee qorsheysan in ay qabsoonto march 2017 iyada oo ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u adagi.
Faysal iyo Ciro ayaa la sheegay in ay isla garteen qodobadii ay ka wada hadleen , waxaana uu kulankaasi ku soo beegmayiyada oo maanta gudida doorasooyinku kulan albaabadu u xidhan yahiin isugu yeedheen saddex musharax madaxweyne ee KULMIYE , Waddani iyo UCID kaas oo lagaga wada hadalaayo doorashada madaxtooyada









