CIIDANKA R.R.U SOMALILAND OO HADDA KU QABTAY KOOX GANACSADAYAAL AH OO LOOGA SHAKIYAY ARRIMO LA XIDHIIDHA AL-SHABAAB

0

Ciidamadda R.R.U-Da Ee Booliska Somaliland Ayaa Howgal Ay Sameeyeen Goor-Dhawayd Suuqa Badhtaha Magaaladda Hargaysa Waxa Ay Ku Qabteen Laba Nin Oo Looga Shakisan Yahay Al-Shabaab Iyo In Ay Wadeen Arrimo Nabad Galyadda Waxa U Dhimaya,

Waxaana Sidda Hadda Dad Goob Joogayaal Ahi Noo Xaqiijiyeen Labadaas Nin Laga Dhex Kexeeyay Bakhaar Ku Yaal Badhtaha Magaaladda Hargaysa Oo La Yidhaahdo “Safa Group” Waxaana Warku Intaas Ku Darayaa In Labadan Nin La Kala Yidhaahdo Diini Iyo Cali Oo Dhalasho Ahaa Ka Soo Jeeda Somaliya.

Wali Ma Cadda Oo Ciidanka Boolisku Kama Hadal Howlgalkan Ay Fuliyeen Iyo Ujeeddada Ka Dambaysa Balse Warar Hor Dhaca Ah Ayaa Sheegaya In Labadan Nin Lagu Tuhmay Howlo Arrimo Nabad Galyo Ka Dhana Ah Oo Ay Ka Wadeen Gudaha Dalka.

Ciidanka Booliska Samaliland Iyo Shacabka Ayaa Waxaa Ay Heegan Ugu Jiraan In Ay Ka Dawada Shaqeeyaan Wax Kasta Oo Nabad-Galyadda Qarankan Wax U Dhimi Kara.