Dawlada Israa’iil Oo Amartay In Xidhiidhka Loo Jaro …

0

Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu ku amray wasaaradda arrimaha

dibadda ee Israa’iil inay qiimeyn ku saabsan soo afjaridda xidhiidhkooda Qaramada Midoobeey ay la wadaagaan.

Image may contain: 1 person, suit

Waxaa ka mid ah qeybaha ay qiimeynta ku sameynayaan dhaqaalaha ay Israa’iil siiso UN iyo joogitaanka wakiillada UN ee Israa’iil.

 

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil wuxuu hadalkaasi sheegay maalin ka dib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey uu meel mariyay qaraar ka dhan ah guryaha laga dhisayo dhulka Falastiin.

Trump oo hakiyay qaraar UN oo ka dhan ah Israa’iil

UN oo dalbaneysa in la joojiyo deegaameynta Israa’iil

Qaraarka wuxuu dalbanayaa in la joojiyo deegaameynta iyo dhismayaasha Israa’iil ay ka wado Qudus iyo Daanta-Galbeed.

Mr Netanyahu ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid ceeb oo aan cadaaladna ahayn.

Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay

Wuxuu wacad ku maray in waqti yar gudihiisa la laali doono go’aankaasi.