DOWLADDA JABUUTI OO CELINAYSA QAXOOTI SOOMAALI AH

0

Djibouti(Arabsiyonews):-  Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in la dhammeystiray qorshaha dib loogu celinayo dalkooda qaxooti Soomaali ah oo dalkaas muddo dheer ku noola.

Madaxa hay’adda dawladda Jabuuti u qaabilsan arimaha qaxootiga,Xuseen Xasan Dharaar ayaa u sheegay warbaahinta inuu socday muddooyinkii dambe qorshaha dib loogu celinayo dalkooda qaxooti deganaa xeryo ku yaalla dalkaas iyo dad kale oo tariibayaal ah,kuwaaso laga soo celiyay dalka Yemen.

Wuxuu sheegay qaxootiga Soomaalida ah ee dib loo celinayo inay dalbadeen dalkooda inay ku noqdaan,markii ay soo hagaagtay xaaladda ammaan iyo horumarada dalka ka jira.

“Dowladda waxaa ay dhammeystirtay dib u celinta qaxootiga oo iyagu dalbadan inay dalkooda hooyo ku noqdaan”ayuu yiri Dharaar oo madax ka ah hay’adda qaxootiga Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxaa ku nool qaxooti isagu jira Soomaali,Yemen iyo Eritrea.