Arabsiyo News–Farriinta booliska ay soo saareen ee Anis Camri oo af-Faransiis ku qoran
Boorarka ninka la doondoonayo ayaa lagu arkayaa dhammaan Yurub, halkaas oo baadi goob loogu jiro wiil 24 sano jir oo Tunisiya u dhashay.
Waxaa looga shakisan yahay weerarkii lagu qaaday suuq ku yaalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Anis Camri horey ayey laamaha amniga u garanayeen, waxaana loo arkayay halis maadaama lala xiriirinayo daacish.
Waxaa loo diiday inuu megengelyo ka helo Jarmalka, balse waxaa loo ogolaaday deganaansho ku meel gaar ah oo illaa uu ka baxayo uu haysan karo.
Jarmalka oo indhashareerka laga mamnuucayo
Jarmalka oo xiray nin aragagixisonimo lagu tuhmay
Kaarkiisa aqoonsiga waxaa laga helay gaariga xamuulka ee weerarka loo adeegsaday.
Weerarkaasi waxaa ku dhintay 12 qof ka dib markii gaariga uu jiidhsiiyay.
Ninkii loo haystay weerarkii suuqa Berlin oo la soo daayay
Saraakiisha dalka Jarmalka waxay sheegayaan in Anis Camri loo maleynaayo inuu hubeysan yahay halisna yahay.
Waxay ballan qaadeen 100 kun oo dollar in la siinayo qofkii sheega akhbaar sababi karta in la soo xidho.
Source: BBC









