Swezerland {AN}–Wararka ka imanaaya Magaalada caasimada u ah Swezerland ee Surikh ayaa sheegaya in masjid ay ku cibaadaysanayeen dad muslimiin ah oo u badan Soomali uu weerar ku soo qaaday nin cunsuri ah oo hubaysan.
Sida wararka lagu helaayo ayaa sheegaya in ninkaasi oo xiligii uu masaajidka soo galay ay ku jireen Jamaca Salaada Maqrib ka dibna uu ku furey rasaas,waxaana halkaasi dhaawac ka soo gaadhey sadex qof oo Soomali ah kana mid ahaa dadkii Salaada tukanaayey xaaladooda caafimaad ayaa haatan laga dayrinayaa iyada oo dhaawac culus uu soo gaadhey.
Ciidamada booliiska ayaa si deg eg ah u gaaray masjidka la weeraray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan ninka weerarka geestay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in booliiska heleen meydka nin weerarkaasi looga shakisan yahay.
Qaar kamid ah Wadamada Yurub ayaa waxaa ka jira falal la xariira naceybka muslimiinta iyo sidoo kale dadka muhaajiriinta, waxaana inta badan weeraro iyo naceyb kala kulmaan dadka muslimiinta ah kooxo cunuriyiin ah oo kunool wadamada Yurub.














