Boliiska Jarmalka ayaa baaraya ” weerar argagixiso” kadib markii nin uu gaaro ku dhuftay suuq Kirismas ee ku yaala bartamaha Berlin, iyadoo ay ku dhinteen 12 qof, 48 kalena ay dhaawacmeen.
Darawalka, oo lagu soo waramayo inuu ahaa Pakistani magangalyo doon ah oo waddanka soo galay sanadkii hore ayaa su’aalo la waydiinayaa.
Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay “in gaar ahaan ay tahay wax aad u xun” haddii la cadeeyo inuu yahay qaxooti.
Waxaa lagu soo waramayaa in lagu ogaa danbi yar oo uu galay, laakiin ma ahayn wax argagixiso la xiriira.
Warfaafinta Jarmalka ayaa sheegay in boliiska uu baaray xarun qaxooti oo ninka uu degaanaa.
” Waa inaan u qaadanaa in weerarka uu haa argagixiso”, ayay Mrs Merkel sheegtay maanta oo Talaado ah.
Dadka ka danbeeyay weerarka ayaa la ciqaabi doonaa “sida ugu adag ee uu sharciga ogolaanayo” ayay sheegtay.












