Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa boqorka Sucuudiga u diray dhambaal uu kaga dalbanayo inuu ka noqdo xayiradii xariyaadii ku meel gaadhka aheyd ee uu saaray, xoolaha gaar ahaan kuwa Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu dhabaalkan uu u diray boqorka si guud mara ugu faahfaahiyay, kaalinta xooluhu ay kaga jiraan horumarka Jamhuuriyada Somaliland oo uu sheegay in boqolkiiba todobaatan ay kaga jiraan laf-dhabarta dhaqaale ee Somaliland.,waxaanu Siilaanyo ka dalbaday in boqorku ka noqdo go’aankaasi.
Waxaanu go’aankan Sucuudiga xoolaha ku joojiyay ay ku soo beegmeysaa xili abaar adag oo dad iyo duunyo ay ku habsatay badi gobolada bariga Somaliland.
Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud dhanbaalkiisan ku xusay in aan labada xanuun ee la sheegay in loo hakiyay dhoofka xoolaha Soomaalida , aanay laheyn kuwa Somaliland.
Waxaanu Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in uu kala saaro xoolaha uga yimaada Soomaaliya iyo kuwa Somalilandta., isaga oo soo jeediyay in laga qaado xayirada xoolaha Somaliland.









