Hargaysa(Arabsiyonews):-Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo Cadaaladda ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa ka hadlay wada hadallada ay maanta la bilaabeen Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye oo ka furmay Hargeysa.
Guddoomiye Axmed Muumin Seed oo qoraal kooban oo uu kaga hadlayo wada hadalladani soo dhigay Barta ay bulshadu ku kulanto ee Facebook, ayaa waxa uu sheegay in ay wada hadalladaasi u bilawdeen xisbiga Kulmiye si fiicanna ugu furmeen una socon doonaan.
Axmed Muumin Seed qoraalkan oo kaga hadlay wada hadalladan waxa uu u dhignaa sidan:-
“Fiidnimo Wanaagsan dhamaan Shacabka somaliland, waxan jecelahay inaan idinla wadaago in Wada hadaladii u dhexeeyey xisbiga talada dalka haya ee kulmiye iyo garabka Toosinta iyo Cadaalada ee xisbiga wadani oo furmay maanta, iyadoo oo uu si habsami leh inoogu socondoono ayaamaha inaga Soo fool leh, guud ahaan Taageerayaashayda jecel Cadaalada iyo horumarka waxan Lee yahay Cadaalada ayaa deeqda umadda ee aan u hiilino hirgalinta asxaab dimiquraadi ah oo hogaamintooda ay gun dhig u tahay wada lahaansho iyo Cadaalada. Habeenku ha idiin Wacnaado” ayuu yidhi Mr Seed









