Wasaarada Biyaha oo ciidan la wareegay+Wasiirkii xilka laga qaaday oo si rasmi ah wali uwareejin iyo ujeedoyinka ka danbeeyey ciidan ka la soo dhoobay Afaafka Wasaarada

0

Hargeysa(Arabsiyonews):- Wararka aanu ka helayno wasaarada biyaha ee Somaliland ayaa sheegaya in ciidan hubeysan ay la wareegeen xarunta wasaaradaasi.

Waxaanay wararku sheegayaan in cidankii hore u joogey wasaarada iyo shaqaalihiiba dibada ay uga soo saareen ciidamadan hubeysani.

sawirada-wasaarada-jpg1_

Wariyayaal ka tirsan warbaahinta dalka oo maanta booqday xaruunta wasaarada biyaha ayaa laga hor-joogsaday inay gudaha u galaan si ay u ogaadan baahida keentay in qaarka  tirsan ciidamada Somaliland lagu amro inay  wasaaradaas I ay la wareegaan ilaa amar danbe.

Geesta kale waxaa laga hor-joogsaday inuu yimaado wasiirkii hore  biyaha Baashe Cali Jaamac oo diyaarinaayay sidii uu sameyn lahaa xil wareejin .

Mana jirto ilaa imika wax war ah oo ka soo baxay dhanka xukuumada oo ku saabsan sabab ta keentay in wasaarada biyaha la

Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa kamid ahaa hormadii ugu danbaysay ee Madaxwaynuhu Xilka ka qaaday ,taas oo mudaba khilaaf ba’ani soo kala dhexgalay Baashe iyo Masuuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada S/land Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Khayraadka Biyaha ,

 

Gababadii Waxaa sidan  noo xaqiijiyay wasiirka biyaha Somaliland, intaas ka dib waxaa aaanu isku daynay inaanu wasaarada sitoosa u tagno si aanu u ogaano xaalada dhabta ah ee ka jirta wasaaradaasi,hase ahaate noomay suuragalin  waxananu ka soo qaadney sawiradan hada hoosta idiinka muuqda