“Somaliland mustaqbalkeedu waa mid cad oo ku doodis ma laha, dawlad ayeynu ahaan jirnay oo gobol maynaan ahayn” Faysal Cali Waraabe

0

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munaasibad uu khudbad u jeedeyey qaar ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee jaamacadaha, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey sida looga gudbi karo caqabadaha ku gedaaman Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “SNM may samaynin nidaam leh maaliyad iyo Bank, qorshe siyaasadeedna may samaynin, qorshaheena millaterina waxa uu ahaa iska celiya afweyne, rag badan ismay lahayn dawladdii xoogga badnayd ee siyaad barre SNM oo ka samaysan qabiil ka mid ah Somali in ay woxoodu hir gelayaan , waxa ay na yidhaahdeen waxaanu la shirnay wasiirkii arrimaha dibedda waxaanay noo meeneen war qad ay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa in aad la hadashaan siyaad barre oo wax aad ka bedeshaan warqadda ama aad sidaas u ogolaataan, waxaana la doonayey in qolana qaadato Madaxweynaha qolana raysal wasaaraha”
Guddoomiye Faysal Waxa uu intasi raacyey “Somaliland mustaqbalkeedu waa mid cad oo ku doodis ma laha, dawlad ayeynu ahaan jirnay oo gobol maynaan ahayn goosanaya, maynaan jebin shuruucdii caalamiga ahayd ee UN-ka, laakiin waxa weeyaan maynaan u hagar bixin oo ma doonay weeyaan, qorshe siyaasadeedoo laga duulo ma samaysannay, ma gelinay dedaalkii la inooga baahnaa intuba maya weeyaan, inagaa isku hambsaannay oo wexeennii ayaanu dalka gudihiisa ka dhignay, waynu ka go’nay aduunka oo wataas aynu maanta leenahay cali khaliif iskugu keen keena meel kale magaalo kale uu leeyahay oo wataa maanta la inoo jhanjabayo, waataas maanta la leeyahay Somalia waa maamul goboleedka lixaad Somaliland, Somaliland hiigsi la’aanbaa dishay qabyaalad ayaa iyana ina dishay oo qaad ayaa inogu biiray, qabyaaladda uf dhaha, miyigii ayuu inaga baabiiyey oo waxa qansadaraas loo siinayaa kaymaha oo la leeyahay dhuxul ka soo same”