Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Ing. C/xakiin C/llaahi Maxamuud (Camey) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxa ka mid ah guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno kale ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia.
Kulan saacado socday ayaa wafdigan ka socday Puntland waxay garoonka dayuuradaha kula yeesheen wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia qaarkood, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia.
Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa iney kulamo la qaataan madaxda dowlada Somalia, waxaana ujeedada safarkooda lagu sheegay sidii wax looga qaban lahaa arrimo badan oo Puntland ay ka tabaneyso doorashooyinka dalka ka socda.
Labadan masuul oo shalay shir jaraaid ku qabtay Garoowe ayaa ka soo horjeestay in xildhibaanada illaa hadda la doortay oo labo boqol ka badan ay yeeshaan kulan, waxayna xuseen in iyadoo aan la dhameystirin doorashada aqalka hoose aysan jirin wax kulan ah oo dhici kara.
Sidoo kale Puntland ay dooneysa in xubnaha labada aqal ee gobolada woqooyi laga siiyo qoondada loogu talo galay gobolada Sool iyo Sanaag taasoo iyana muran badan uu ka taagan yahay.









