Qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee caalamka ku yaala ayaa waxaa ay
shaaciyeen in ay mabnuuci doonan gawaadhiga ku shaqeysa naafatada .

Hogaamiyayaasha afar magaalo oo kala ah Paris, Mexico City, Madrid iyo Athens ayaa sheegay inay xayiraaddan dhaqangalin doonaan marka la gaadho sanadka 2025 si ay wax uga qabtaan tayada hawada magaalooyinkaas.
Hadalkan ayaa waxaa looga dhawaaqay dalka Mexico halkaas oo madaxda magaalooyinka ay ku shirayeen.
Gawaadhida ku shaqeysa naaftada ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa lagu hayay daraasad xilli walaac laga muujiyay saameynta ay ku leeyihiin cimilada wanaagsan.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in ku dhawaad 3 milyan oo qof ay sanadkiiba u dhintaan sabab la xiriirta hawada wasakheysan.









