Maxkamada sare ee racfaanka dalka masar ayaa waxaa ay go,aan cusub ka soo saartey
xukunkii xabsi daa’inka ahaa ee hore loogu riday madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi .

Maxkamada ayaa waxa amartey in gabi ahaanba ay joojisa xukunkaasi xabsi daa’inka ah isla markaana waxaa ay maxkamadu soo jeedisay in dacwada loo haysto Maxamed Morsi dhegaysigeeda dib loo bilaabo .
Todobadkii hore ayey aheyd markii maxkamadu soo saartey amar ay ku laashey xukunkii dilka ahaa ee Maxmed Morsi lagu xukumay









