WAR DEG DEGA ISKU DHAC LABA GAADHI OO SAAKA KA DHACAY WADDADA U DHAXAYSA GABILEY IYO KALABAYDH+KHASAARAHA KA DHASHAY.

0

Arabsiyo News-Shil baabuur oo sababay khasaaraha dhimasho  leh ayaa saaka subax ka dhacay Wadada u dhaxaysa Magaalooyinka Gabiley iyo Kalabaydh,

Shilkan ayaa waxaanu sababey  dhimashada Laba Ruux kuwaasi oo magacyadoodu yihiin mustafe muxumed nuur(gees)iyo sidoo kale C/raxiim Cagaf waxaanay labadan marxuum kala ahaayeen labada dirawal ee waday labada gaadhi ee isku dhacay.

Labadan gaadhi ee isku dhacay ayaa kala ahaa gaadhiga loo yaqaan Nouh iyo sidoo kale gaadiidka yar yar ee Mark-2 kuwaasi oo ahaa gaadiid Qaad halka gaadhiga Nouh,da uu u shaqaynaayey Shirkada Qaadka ee loo Yaqaan Gaafane.

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com