Oodwayne {AN}–Taliyaha Booliska gobalka Daad-madheedh Maxamed Cali Cabdi ayaa ka hadley diyaarado duqeeyey isla markaana rasaas ku riday deeganka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada magaalada Oodweyne .

Waxaa uu shegay in ilaa hada cid ku dhimatey ama wax ku noqotey aanay jirin balse ay xaqiiqo tahay oo rasaastii hubka ay gacanta ku hayaaan .
Taliyaha booliska Oodweyne Maxamed Cali Cabdi iyo taliye ku xigeenka Oodweyne Cabdilahi Diiriye Caduur oo wargeyska Geeska Africa Khadka telefoonka ugu warmey iyaga oo ku sugan deeganka ay diyaaraduhu rasaaseeyeen ayaa waxa ay sheegeen in ilaa hada baadhitaano wadaan oo aanay hayn war rasmiya oo ku saabsan diyaarahan iyo halka ay ka yimadeen, waxaana taliyaha oo aanu ugu horeyn weydiinay waxaa ay yahin diyaaradahani ayaa yidhi
“Hada lafteeda ayaanu meesha mareynaa oo baadhitaankii ayaa socda diyaaraduhuna waa dhab oo cid waxba mey yeelin oo meel bay rasaas ku rideen meesha ay rasaasta ku rideen waxaa aanu ka soo gurney rasaas yar yar oo aan aheyn qoryaha waa weyn , deeganka ay diyaaraduhu ay rasaasta ku rideen waa deeganka Bali reer Cilmi oo Oodweyne ka tirsan isla markaana bariga kaga beegan ” ayuu yidhi .
Mar aanu taliyaha weydiinay in ay aqoonsadeen diyaaradahan iyo halka ay ka yimaadeen ayaa yidhi
“Diyaaradahani mar kasta waa ay maraan oo si hoose ayey u soo maraan oo waligoodba way mari jireen , waana wadadooda oo waxaa ay ka soo kacaan Jabuuti oo waxaa ay qabtaan dhinaac iyo koonfur oo joog hoose ayey ku socdaan , oo dhirta dushooda ayey maraan markey koonfur ku socdaan , marka kale na sare ayey maraan oo todobo cisho ayey maqnaadaan oo guud ahaan waa la aqoonsan yahay diyaaradahan halka laga leeyahay lakiin anagu hada xaqiiqo ma sheegi karno oo walia baadhitaanada ayaanu wadnaa ” ayuu yidhi taliyuhu .
Taliye ku xigeenka Booliska ee Oodweyne Cabdilaahi Diiriye Cilmi Caduur ayaa isna dhankiisa noo xaqiijiyey in ay diyaarado duqeeyeen isla markaana ay rasaas ku rideen deeganka Baliga Reer Cilmi isla markaana ay wadaan baadhitaano ku saabsan diyaarahan iyo sababta keenty in ay rasaasta soo ridaan
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com
Source Geeska









