Xisbiga UCID Oo Doortey Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Aan Iminka La Dooraneen + Sababta Iyo Cida Soo Dooran Doonta .

0

Hargeysa (Arabsiyo News):- Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga UCID ayaa waxaa ay iminka ay doorteen musharaxa madaxweyne ee doorashada madaxtinimo xisbiga uga qeyb gali Doona .

 

Waxaa ay xubnaha golaha dhexe u doorteen in uu noqdoo musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Muddane Faysal Cali Waraabe oo hore u ahaa gudoomiyihii xisbiga UCID isla markaana waxaa u codeyey 93 xubnood oo gale dhexe ah.

Sidoo kale xubanaha golaha dhexe may dooran musharax madaxweyne ku xigeen taas bedelkeeda waxaa muddo 45 cisho ah gudaheed ku soo magacabi doona musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID gudoomiyaha xisbiga oo ah Faysal cali Waraabe sidoo kalena ah musharaxa madaxweyne ee xisiga UCID.

Qodob ka mid ah xeer hoosaadkii ay shalay ansixiyeen xubanaha golaha dhexe ayaa sidaasi sheegaya .