Donald John Trump wuxuu dhashay 14-kii June 1946 wuxuu ku dhashay kuna koray magaaladda New York , waa ilmaha afaraad nin hantiille ahaa oo ka ganacsan jiray guryaha oo lagu magacaabi jiray Fred Trump, inkastoo qoyskiisu hanti leeyihiin haddana waxaa la filayey in uu ka shaqeeyo shaqooyinka ugu hooseeya ee shirkadda Aabihiis

laakiin waxaa loo diray kuliyad ciidan markii uu ahaa 13 sano jir ka dib markii uu si xun u dhaqmay.
Wuxuu waxbarasho ku qaatay dugsiga Wharton School ee Jaamacadda Pennsylvania , taasi oo keentay in Aabihiis uu u noqdo shakhsi uu la dhacsan yahay ee badala hawlaha maamulka ganacsigooda maaddaamma walaalkiis ka wayn oo lagu magacaabi jiray Fred oo doortay in uu noqdo duuliye diyaaradeed.
Fred Trump wuxuu ku dhintay 43 jir ah isagoo sababsaday cuduro ka dhashay cabista Khamriga, taas oo keentay in Donald Trump uu nolashiisa oo dhan gees ka maro cabista Khamriga iyo sigaarka.
Mr Trump wuxuu sheegay in uu ku bilaabay ganacsiga guryaha dayn lacageed “oo yar” oo aabihiis uu ka amaahday, ka hor intii aannu ku biirin shirkadda Aabihiis.Wuxuu ka caawiyey Aabihiis mashaaruiic ballaaran oo guryo looga dhisay degmooyinka magaaladda New York, isagoo markii dambe la wareegay maamulka shirkadda 1971-kii wuxuuna ka badalay magaca oo uu ka dhigay Trump Organization.
Aabihiis wuxuu dhintay 1999, isagoo 93 jir ah, “Aabahay wuxuu ahaa dhiirigaliyahayga” ayuu yiri Mr Trump.









