alkan ka daawo sawirrada waayihii ay soo mareen musharrixiinta madaxtinnimada Maraykanka Hillary Clinton iyo Donald Trump.
-

Hillary Clinton waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay Chicago halka Donald Trump-na uu ku dhashay kuna barbaaray New York.
-

Hillary Clinton oo ka qeybgaleysay dood ka dhacday iskuulka sare ee ay dhigan jirtay iyo Trump oo ku sugan iskuul milatariga lagu tababaro
-

Clinton ninkeeda Bill waxay kula kulantay jaamacadda yale, Trump iyo Ivanaa- xaaskiisii ugu horreysay oo seddax caruur ah u dhashay- mar ay ku sugnaayeen New York 1977-kii
-

1974-tii Hillary waxay ahayd qareen ka tirsan guddi doonayay in xilka laga qaado madaxweyne Richard Nixon. Laba sano ka dib markaasi Trump wuxuu billaabay howlihiisa ganacsiga dhinaca guryaha
-

Qoyska Clinton 1992 iyo qoyska Trump 1986
-

1995, Clinton waxay khudbad ku saabsan xuquuqda dumarka ka jeedisay Bejing iyadoo ah marwada madaxweynaha Maraykanka. Isla sanadkaasi, Trump wuxuu taagnaa suuqa Saamiyada New York oo uu ka diwangeliyay dhismihiisa Trump Plaza
-

Clinton 1994 iyo Trump 2004
-

Clinton waxay booqatay goobtii horay loo oran jiray xarunta ganacsiga maalin ka dib weerarkii 11-ka September. Isbuuc ka dib Trump wuxuu taagan yahay suuqa Saamiyada ee New York
-

Clinton waxay xilka aqalka cad u tartantay markii ugu horreysay 2008 balse waxaa doorashooyinkii isreebreebka Dimuqraadiga uga adkaaday Obama. Trump muddo 10 sano ka badan ayuu Telefishin ku lahaa barnaamijyo taxane ah oo uu isagu soo jeedin jiray
-

2011-kii, Hilary Clinton oo ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ka daalacaneyso farrimo ku jira tilifoonkeeda gacanta iyadoo saaran diyaarad kuna socotay Liibiya. Trump wuxuu dhageysanayaa isna dad maamuus ku leh Maraykanka oo xaflad kaftan ah isugu yimi
-
GETTY IMAGESXaggaagii 2016-ka ayaa labaduba waxay aqbaleen in ay musharrixiin u noqdaan axsaabtooda.









