Hargeisa {AN}–Guddoomiyaha cusub ee ay sheegeen inay doorteen garabka uu hoggaamiyo Murrashaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen Xasan Cismaan Sabca ayaa u mahadnaqay bulshada ka soo qayb-gashay madashii lagu dooranayay isaga oo si gaar ah u xusay Madax-dhaqameedka iyo xisbiga WADDANI waxaanu farriin adag u diray guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo sheegay inay ka qaadeen xilkii guddoomiyenimo waxaanu yidhi “mar ka hore waxa aan aad ugu mahadnaqayaa dadka weynaha u soo baxay inay masiirkood ka hadlaan ee arkaysaan in dawladdii cadaadis ku hayso ee u taagan cadceedaa inay masiirkood ka taliyaan aad ayaan ugu mahadnaqayaa dadkaa waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Madax-dhaqameedka iyo xisbiga WADDANI”
Guddoomiye Xasan Cusmaan Sabca ayaa Faysal Cali Waraabe farriin hanjabaad ah hawada u mariyay waxaanu yidhi “shirka uu leeyahay Faysal Cali Waraabe waan qabanayaa isaga oo maxay ah ayuu qabanayaa uu ka baxay guddoomiyenimadii oo murrashax ayuu sheegtay isaga oo xisbigu Murrashax leh halkaa waa laga cadeeyay ummaduna way maqlaysaa in aanu guddoomiye ahayn guddoomiye cusubna lagu doortay halkan barito marka laga bilaabo guddoomiyaha xisbiga UCID waa aniga xafiiska xisbiga waan fadhiisanayaa Faysal Cali waraabe aanu iskugu nimaadno xafiiska dee malaha markaa kaayaga xoog weyn ayaa u hadhaya ayaan u malaynayaa ilay waa la iclaamiyay in la dagaalamo waxaan leeyahay dadweynaha Jamaal Cali Xuseen ayaa u Murrashaxa xisbiga UCID” ayuu yidhi Guddoomiye Xasan Cusmaan Sabca.









