Muuqaalka Wararkii u Dembeeyey Ee Rabshadihii Fiidkii Hadheeyey Dhammaadkii Ciyaartii  Galabta Dhex Martay Daad-madheedh iyo HAWD+ Khasaaraha Ka Dhashay

0

Hargeysa (AN) –  Ciyaartii galabta  dhex martay xulalka Hawd iyo Daad-madheedh ayaa waxa hadheeyey rabshado keenay dhimasho aan wali la xaqiijin iyo dhaawaca ilaa dhowr iyo toban qof.

Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaana lagu soo daad gureeyey dhaawacyada dadkaasi, oo rag iyo dumarba leh, mana jirto ilaa imika wararka aanu heyno wax dhimasho ah oo goobta ka dhacday.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa daad gureynaya dadkii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay garoonka Hargeysa Stadium. WArkan oo Aanu kasoo xiganay goob joogeyaal kamid ah daawadeyaashii ciyaarta oo Hangool News Uu Soo Xigtay yaa tibaaxaya   In Ka Dib Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Ay Wada Ciyaarayeen Xulalka Gobolada Hawd Iyo Daadmadheedh Uu Bilaabmay Buuq Iyo Sawaxan Hadheeyay Garoonka.

Halka Taageerayaasha Labada Gobol Qaar Ka Mida Markii Danbe Ay Bilaabeen Inay Shiidaan Ciyaartooyda, Ku Dhex Jira Gudaha Garoonka Ka Hor Intii Aanay Dhamaan Kubadu.

Intaas Ka Dib Ciidanka Bileyska Ayaa Isticmaalay Suntan Dadka Kaga Ilmaysiisa, Iyo Rasaasta Rabadhka Ah.

Ka Dibna Waxaa Sii Laba Kacleeyay Buuuqii Iyo Sawaxankii Waxaana Faraha Ka Baxaday, Xaaladii Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium.

Waxaanay Ciidanka Boolisku Isticmaaleen Rasaas Nool Nool, Taasi Oo La Rabay In Lagu Cabsi Galiyo Dadweynaha Rabshada Kiciyay, Hase Ahaate Keentay In Mudahraad Rabshada Wataa Uu Ka Bilaab Barxada Hore Iyo Gudaha Garoonka. Iyada Oo Dadweynihii Goobtaasi Joogay Ay Gubayeen Taayiro, Sidoo Ay Tuurayeen Dhagxaan.

Saraakiisha Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa Oo Aan Khadka Teleefoonka Kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Xaqiijiyay, In Dhaawac Isugu Jira Rayid Iyo Askar La Keenay Cisbitaalka Walina Ay Anbalaasyadu Ku Maqan Yihiin, Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Stadium.

Dhinaca kale warar hor dhac oo HUBAAL Media ka heshay ilo u dhuun daloola xaaladda garoonka ayaa tibaaxay in dadka kacsan ee rabshadaha waday ay khasaare gaadhsiiyeen qaybo kamid ah  gogoshii doogada ahayd [rooggii] ee lagu goglay garoonka kubadda.  Dabkaas oo sida lawariyey loo isticmaalay batrool caagado lagu shubay oo afka hore ka ololaya. Sidoo kale waxa warku intaa ku daray in rabshad wadeyaashu ay halis geliyeen amniga ciyaartoydii kooxda DAAD Madheedh ee ciyaarta ka badisay HAWD, kuwaas oo ciidammada ammaanku ay markii rabshaduhu bilaabmeen illaa caawa cawayskii dhexe ku xaraysnaa garoonka gudihiisa, halkaas oo ciidammadu ammaankooda ku sugayaan.

noolhargeysa-stadium