GANACSATADA SUUQA GOBONIMO OO SHAACA KA QAADAY IN QAYBO KA MID AH SUUQA GOBONIMO AY DAWLADA HOOSE KA IIBISAY QAAR KA MID AH TUJAARTA DALKA + CODSI AY MADAXWEYNAHA UDIREEN

0

Arabsiyo News—Ganacsatada yar yar ee Meheradaha ku leh Suuqa Caanka ah Gobanimo ee Degmada 26-June ee Magaaladda Hargeysa ayaa qaylo dhaan ka soo saaray qorshe ay Maamulka Dawlada Hoose ee Hargeysa ku dhaxal Wareejinayaan suuqaasi islamarkaana ay kaga iibiyeen Qaar ka mid ah ganacsatada waa weyn ee Dalka,Waxa ay Ganacsatadani ka digeen qorshahaasi,iyagoo Madaxweynaha Dalka iyo Dawlada dhexe ugu Baaqay inay u soo gurmadaan.
Shir ay shalay iskugu yimaadeen Ganacsatada Suuqa Gobonimo oo warbaahinta ku macsuumeen ayaa waxa ay si cad u sheegeen in gabi ahaanba dhulkaasi la iibiyay oo ay Dawladda Hoose ee caasimaddu ka iibisay dad hantiileyaal ah. Aamina Cabdi oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku ganacsada suuqaas oo ka mid ahayd dadkii shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa ka mid ahaa hadalladeeda. “Dalka iyo dadka oo dhan intan ayaa u hadhay wax kale oo hadhay ma jiraan, dalka intii kale waa cid gaar ah ayay gacanta u gashay. Halkanna Tijaar baa ku socota oo laga iibinayaa, danyartu miyaanay meeshan waxba ku lahayn, Miyaanaan muwaadiniin ahayn, Ma maalinta codkayaga loo baahan yahay ayuun baanu nahay ummaddii dalka u dhalatay, Waxaanu leenahay intan lama ga’yo, lamana iibin karo, golaha deegaankow meel kale iibsada. Madaxweynaha waxaanu leenahay intaanad tagin ayaa la doonayaa in inta hadhayna la cuno”
Ibraahim Axmed oo ka mid Ah Ganacsatada Suuqa Gobonimo ayaa waxa uu isna yidhi. “Suuqa Gobanimo hore waxay dawladda Hoose ee caasimaddu ugu dhamaystirtay goobaha kala duwan ee ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin ganacsatada khudaarta, caanaha iyo bagaashleyda yar yar, waxa jira guryo badan oo ku yaalla dhinaca galbeed ee suuqa kuwaasoo sidii loo dhisay aanay cidi galin, isla markaana toban sanno in ka badan xidhan oo sakadihii ay ku yaalleen ay noqdeen goobo qashin qub oo aanay dawlad iyo dadku midna daryeelin. Sidoo kale waxa jira iyaguna hangarada khudradleyda oo ka kooban laba hangar, kuwaasoo iyaguna xidhan, dadkii loogu talo-galayna ay yihiin dadka degan wajahada suuqa ee dhinaca bari, halkaasoo ah goobta loogu talo-galay inay banaaanaato oo ay ahaato baarkinka suuqa, isla markaana si ku-meel-gaadh ah halkaas udeganaa in muddo, waana dadka ay dawladda hoose u sheegtay inay goobo cusub u dhisayso oo ay uga dhisayso wajahada koonfureed ee suuqa Gobanimo (EX. Guriga Xisbiga) oo ah istaanka baabuurta waaweyn ee khudaarta iyo caanaha, iyagoo hangaradoodii banaan yihiin oo uu qashin buuxiyay. Halkanna hore ayuu madaxweynuhu digreeto uga soo saaray oo uu u xayiray, isagoo sheegay inaanu wasiir, maayar ama masuul kale iibin karin, markaa waxaanu leenahay masuuliyiinta dawladda hoose goobtan aad doonaysaan inaad ka iibisaan ganacsato hantiileyaal ahi, waa baarkinkii suuqa dadka aad u ballan-qaadeen inaad u dhisaysaa dhismeyaal ay ku ganacsadaana, kuwaadiiba qashin baa buuxiyay oo way banaan yihiine arrinkiinu maaha mid idiin hirgelaya ummaddan masaakiinta ahna xaqoodu ku cuni maysaan.”
Oday Kubbaayo oo ah guddoomiyaha gaadiidleyda caanaha iyo khudaarta ayaa isna waxa uu yidhi. “Gobanimo maanta dhisme uma baahna aqalladeedii hore xashiishkaa buuxiyay way wada qufulan yihiin, qolada doonaysa in halkan (istaanka baabuurta khudrada iyo caanaha) hangarkoodii wuu banaan yahay.”
Suuqa Gobanimo ayaa ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah ee magaalada Hargeysa, waxaanay Dawladda Hoose caasimadda Hargeysi kirooyin ka qaadaa dhismeyaal isugu jira Hangaro iyo dhismeyaal kale oo uu suuqaas ka kooban yahay, iyadoo ay jiraan goobo kale oo banaan, kuwaasoo loogu talo-galay inay noqdaan Baarkinka suuqa iyo istaanka baabuurta khudaarta iyo caanaha, kuwaasoo meelo ka mid ah ay khudradlayda danyarta ahi si ku meel-gaadh ah u degan yihiin.
Dadkaas danyarta ah ayaa warbaahinta kala duwan u sheegay inay jiraan ganacsato hantiileyaal ah oo laga iibiyay goobihii loogu talo-galay inay noqdaan baarkinka suuqa iyo istaanka gawaadhida waaweyn ee khudaarta iyo caanaha keena magaalada. Dadkan oo shalay isugu soo baxay barxadda Suuqa Gobanimo (EX. Guriga Xisbiga) ayaa ku eedeeyay dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa masuuliyiinteedu inay wajahada hore suuqaas oo loogu talo-galay inuu noqdo baarkinka suuqa ay ka iibiyeen ganacsato gaar ah, kuwaasoo ah hantiileyaal aan ka mid ahayn dadka ku ganacsada suuqaas.

 

xigasho Haldoor News