[Deg Deg ]:- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhawaac Jabniin Loo Badinaayo Uu Ka Soo Gaadhey Lugta .

0

Hargeysa (Arabsiyo News):- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa waxaa uu dhaawac jabniin ah loo badinaayo in uu yahay waxaa uu ka soo gaadhey lugta gaar ahaan misigta  .

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhawaciisan jabniinka loo badinaayo uu yimid ka dib markii shalay galab uu ku siibtey mar marka aqalkiisa

 

Madaxweyne Siilanyo oo ay wehelayaan wasi

Mirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi , wasiirul dawlaha wasaaradaasi Maxamed Muuse Abees iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada ayaa madaxweyne ku xigeenka ku soo booqdey aqalkiisa

Sidoo kale dhakhaatiir ay ka mid yahiin Dr.Ismaciil iyo Dhakhaatiir ka soctey cisbitalka International ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay madaxweyne ku xigeenka ugu tageen aqalkiisa si ay xaaladiisa caafimaad ula tacalaan

Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxweynaha iyo xusbnihii wasiirada ahaa ee la socdey waxaa uu sheegay in dhawaacan soo gaadhey shalay aanu ilaa hada kala cadyn in ay tahay jabnin masigta ah iyo in kale balse X-Ray la saari doono maanta oo ay dhakhtiirtu kala sari doonon

Waxaa Xusid muddan in aanu madaxweyne ku xigeenku ku istaagi karin lugta oo uu sariirtiisa dul jiifo

Alleh Ha Ka Bogsiiyo dhawacaas madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland

Fiiro Gaar Ah : Dhawaan Filo Muuqaalka Iyo Sawirada Warkan