INGIRIISKA OO SHEEGAY IN BEESHA CAALAMKU KA NIYAD JABAYSO SOMALILAND HADDII DOORASHADDU DIB U DHACDO

0

-Ku xigeenka Danjiraha  Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya,  Anddrew Allen, ayaa sheegay in ay dunida ku noqoneyso u qaadan waa iyo niyad jab haddii ay Soomaaliya ku qabsato doorashooyinkeeda sannadkan oo ay Somaliland-na    ku fulin weydo doorashooyinkeeda madaxtinimo waqtiga u qoondeysan ee bisha March 2017-ka.ingiriiska-iyo-somaliland

Andrew Allen waxa uu hadalkan ka sheegay uu shalay  warbaahinta ugu waramayay Huteelka  Ambaasador ee  Hargeysa, isagoo booqashadiisani tahay tii ugu horeysay ee uu ku yimaado Somaliland.

Safiir ku xigeenka Ingiriisku  Isaga oo sharraxayay  sida uu Ingiriisku uga xun yahay dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyadda ee sannadka dambe, waxa uu sheegay  inuu ku rajo weyn yahay inay dawladdu fulin doonto jidwalka u dejisan doorashada madaxtinimada ee March 2017.

“Geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland waxay ileys u tahay gobolka,” ayuu ku yidhi suxufiyiinta. “Haddii Muqdisho  si guul ah u qabsato doorashada, balse ay  Somaliland ka gaabiso dimuqraadiyadeedii, waxa aan filayaa in ay dadka qaar sameynayaan  is barbardhig ,” ayuu yidhi Andrew Allen.  Diblomaasigani  waxa uu sheegay inay dawladda cusub ee Ra’iisul wasaare  Theresa May ayna wax isbeddel ah ku sameyn doonin siyaasada UK ee  taageerada Soomaaliya iyo Somaliland, islamarkaana ay hore ugu socon doonto in ay shirweyne u qabato qaadhaan bixiyeyaasha si loo sii wado dhaqaale raadinta sannadka soo socda.
Mr. Allen waxa uu ka jawaabay su’aalo door ah oo ku saabsanaa waxa ay Somaliland uga heli weyday beesha caalamka aqoonsiga ay raadineysay tan iyo markii ay gooni uga istaagatay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaanu sheegay in ay tahay arrin u taal beesha caalamka, balse aaney ahayn mid u taal Ingiriiska oo keliya. “Go’aankaasi waa  mid  ay gaadheyso   beesha caalamka,” ayuu yidhi.

Waxa uu tilmaamay markii ay Czechoslovakia u kala baxeysay labada dal  ee Slovakia iyo  Czech republic – in ay aheyd heshiis ay wada gaadheen dadka labada dal.
“Waxa uu ahaa furriin laba dhinac ahaa” sababta oo ah  labada dal ayaa wada Hadley,” ayuu yidhi, isaga oo soo xiganayay sheegashada ay Soomaaliya sii wado ee  ay ku sheeganayso Somaliland in ay ka mid tahay dalkeeda.

Danjiruhu waxa uu is diidsiiyay mar wax  laga  weydiiyay sababta  diblomaasiyiinta UK ee qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ay u fadhiistaan oo kaliya  Muqdisho, waxaanu yidhi “Waxa aan dad ku leenahay Nairobi, Addis Ababa, Mogadishu, London iyo  Somaliland kolkaasi waxa aan sii wadi karaa taageerada aan u fidineyno. Ma jiro wax  isbeddel ahi siyaasadayada,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Allen waxa uu ka Hadley madaxbananaanida saxaafada, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo  wadaxaajoodka dowladda iyo warbaahintu ka leeyihiin  xeerka anshaxa ee doorashooyinka soo socda.

 

Arabsiyo.com

ArabsiyoNews@gmail.com