War Deg Deg ah Al Shabaab oo Dagaal kula wareegtay Deegaan Muhiim ah oo ku dhaw magaalada Baydhabo

0

Muqdisho {AN}–Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al Shabaab xalay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Goof gadood oo kuyaala Duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada iyo dagaalyahanada Al Shabaab ayaa xalay mudo saacado ah ka dhacay deegaanka Goof Gaduud, waxaana markii dambe la sheegay in Al Shabaab la wareegeen deegaankaasi.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku qaadeen Goof gaduud ay qasaaaro xoogan ku gaarsiiyeen ciidanka Dowlada ee halkaasi ku sugnaa, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Dagaalyaanada Al Shabaab ayaa dhawaan la wareegay deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Bakool, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.