Hargaysa(AN) Madaxtooyada S/land ayaa ka hadashay markii ugu horaysay Shirkii Nabadaynta ee Madaxwaynuhu gogosha nabadeed ugu dhigay Gobolada Sool .Sanaag Bari iyo Buuhoodle ee bishan 25keeda ka furmilahaa Magaalada Burco.
Afhayeenka Madaxwaynaha Xuseen Aadan Cige “Deyr” ayaa maanta xili uu Warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada S/land waxa uu faah faahin dheer ka bixiyey halka uu ku danbeeyey Shirkii Gogosha Nabadeed
Waxaani Yidhi Afhayeen Deyr
”Madaxwaynuhu Marwalba isagoo ka fikiraya Midnimada iyo Wada Jirka Umada,Madaxwaynuhu isagoo ka taxadaraya wax kastoo dhib ah oo ukeeni kara carqalad dib usocodka shirkaasi Nabadaynta Qaran,Isagoo ogsoon shir doceedyadii Wayeelka iyo Waxgaradka Degaanadaasi si habsi leh usocdo isla markaana loo bahan yahay in la siiyo wakhti dheeraad ah…Madaxwaynuhu waxa uu goaansaday in dib loo mudeeyo shirkii nabadaynta Qaran ee Burco ka dhici lahaa 25 kii October”
Hadalka isagoo sii wata afhayeen Xuseen Deyr”Madaxwaynuhu waxa uu arkay Duruufaha adag ee ka taagan bariga Shirkama wakhti ku munaasibka ah la qabto ,Inse umada loo gurmado oo la samato bixiyo ,Madaxwaynu waxa uu iclaamiyey in abaar baahsani ka jirto Gobolada Bari,Madaxwaynu shirkii nabadaynta qaran kama ulaaban waa halkiisi laakin wakhtiga iyo xaalada ku haboon ayaa dib loo qabandoona ” ayuu yidhi
Iskusoo wada duuboo 25kii bishan aynu ku jirno ayay ahayd markii loo balansanaa qabsoomida shir nabadeed oo hore Gogashiisa ufidiyey Madaxwayne Siilaanyo kaas oo ka dhici lahaa Burco ,ilaahadana Afhayeenku si cad umuu mudayn xiliga rasmiga ah ee Gogoshaasi Nabadeed dib loo qabanayo
Arabsiyo.com
Hargaysa Office









