Hrgaysa {AN}–Tan Iyo Waxii Ka Dambeeyay Shirkii Golaha Dhexe Ee Ku Shubashadda Ahaa, Ee Xisbiga Wadddani Ayaa Waxaa Soo Baxaya Qaylo Dhaanta Musharax Cirro Iyo Nasbiga Aan Loo Nabaadiino Xidhin Ee Uu Ka Galay Rafiiqiisii Axmed Muumin Seed.

Dacwad Ka Dhana Cadaalad –Daradii Ka Dhacay Goobtii Shirku Ka Socday Ayaa Loo Gudbiyay Gudida Diiwaan Galinta Ururadda Iyo Ansixinta Asxaabta,
Dacwadan Ayaa Waxaa Gudbiyay Garabka Toosinta Waddani Ee Uu Hogaaminayo Axmed Muumin Seed.
Cirro Ayaa Sidda Fiinta Ugu Qayliyay Dacwaddan Ka Dib Markii Uu Yaqiinsaday In Waxii Uu Qalday Ay Keeni Karto In Dib U Sixid Lagu Sameeyo Ama La Laalo Shirkii Waji Garashadda Ahaa Ee Golaha Dhexe
Geesta Kale Cirro Ayaa Ku Dayay In Uu Af-Gobaadsi Ku Dhameeyo Dhibaataddii Uu Ugu Wanqalay Xisbiga Uu Salaankiisa Musharax Maroorsaday,
Ma Cadda Waxaa Ka Soo Bixi Doona Dacwaddan
Inkastaoo Dadka Aqoonta U Lihi Ay Sheegayaan In Guul Badan Uu Kala Kulmi Doono Axmed Muumin Seed.
Dhinaca Kale Ayaa Waxa Ay Dacwad-Dani Adhax Jab Ku Tahay Xisbiga Waddani Oo Markii Ugu Horay Dhexdiisu Dacwaddi Ka Bilaabmato.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








