Arabsiyo News–Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Daacidhta Soomaaliya ay maanta la wareegeen Deegaanka Qandala oo Qiyaastii 75-km u jirta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahano ku dhaw 100-nin oo aad u hubeesan in ay soo gaareen Deegaanka Qandala lana wareegeen, dagaalyahanadan ayaa saldhig ka dhigtay xarumo caan ah oo deegaankaasi kuyaala.
Gudoomiyaha deegaanka Qandala ee gobolka Bari Jaamac Axmed Khuurshe ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in saakay waabarigii deegaanka ay soo gaareen dagaalyahano katirsan Daacish, waxa uuna tilmaamay in masuuliyiintii halkaasi ku sugneed ay isaga baxeen.
Dagaalyahano katirsan Daacsh ayaa ka dagaalama qeybo kamid ah Deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxaana dagaalyahanadan hogaaminaya Sheekh C/Qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab balse markii dambe ka baxay beycona la galay Ururka Daacish.
Maamulka Puntland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dagaalyahanada Daacish katitsan ee la wareegay Deegaanka Qandala, waxaana horey Ciidamada Puntland dagaal ula galay dagaalyaano katirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Bari.
Arabsiyo.com
ArabsiyoNews@gmail.com








